Qaxootigaasi ayaa la sheegay in shalay lagu qabtay Gobalka Xadarmuut ee Koonfurta dalkaasi  sida laga soo xigtay Madaxda Deegaanka.
Hadal qoraal oo ka soo baxay Boliska Gobalka Xadarmuut ayaa lagu sheegay in la qabtay 200 Qaxiooti Somali aan haysanin Waraaqaha Qaxootiga, kuwaasi oo ku sii jeeday Degmadda Brom Mayfa ee Gobalka Xadarmuud.
War Saxafaadeedka waxaa lagu sheegay inay Qaxootigaas oo ay ku jireen tiro carruur iyo haween ah, kuwaasi oo Yemen ka soo galay dhinaca Badda.
Ilo dhinaca Ammaanka ayaa sheegay in Qaxootigaasi loo gudbiyey Xero Qaxooti oo ku taalla Gobalka Shabwa.
Talaadadii la soo dhaafay, 133 Qaxooti Somali ah ayaa iskooda u go’aansaday inay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo,iyadoo ay Hay’addaha IMO iyo UNHCR gacan ka siiyeen Markabkii soo daad-gureyn lahaa Qaxootigaasi oo shalay soo gaaray Dekedda magaalladda Hargeysa.
Bishii la soo dhaafay. UNHCR wxaay sheegtay inay 30,000 oo Qaxooti Afrikaan ah gaareen dalka Yemen tan iyo bilowgii sannadkan 2017-ka.