Wararka aan Caawa ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in Gelinkii dambe ee Maanta uu Goob Boosaneer ah uu ku soo dumay Farsamayaano Shaqo ka hayay.
Boosaneerkaan ayaa waxaa markii hore ku dhacay markii uu ku soo dumay laba ruux waxana intaasi kadb markale ku dhacay laba kale oo iskudayay in ay badbaadiyan.
Dadka ku nool Xaafada Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in Afartii Ruux ee Farsamayaqaaniinta ahaa eek u dhacay Boosneerka laba ka mid ah ay geeriyoodeen.
Dhacdadaan oo aad looga naxay ayaa haatan waxa lagu gud jiraa sidii loo aasi lahaa labada farsamayaqaan ee geeriyootay.