Caasimadda dalka Uganda ee Kampala, waxaa shalay lagu qabtay Xaflad ballaaran oo lagu xusayey 10-sanno-guuradii ka soo wareegtay Asaaska Mashruuca Difaaca Xuquuqda Aadanaha ee Bariga Afrika รขโฌลThe East and Horn of Africa Human Rights Defenders Project (EHAHRDP).
Munaasabadaasi awgeed, waxay Difaacayaasha Xuquuqda Aadanahaรย soo saareen Daabacad ku aadan Munaasabadaasi iyo Taxanayaal Filimo yaryar (Documentaries) oo lagu soo bandhigay Waxqabadka Difaacayaasha.
Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga Afrika, Dr. Hassan Shire Sheekh ayaa sheegay in ay isaga iyo Saxaiibadiisa Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha soo mareen Sannado badan oo aad u adkaa, wuxuuna tilmaamay inay weli jiraan caqabado hortaagan Dalladda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Qaraadda Afrika.
Dr. Hassan Shire Sheekh oo in ka badan 10-sanno ka hor ka qaxay dalka Hooyo ee Somalia, Waxaรย u nasiib u yeeshay รย inuu Deegaan Nabdoon oo badbaado ka helo magaalladda Toronto ee dalka Canada.
รขโฌลXilligaas Waxa aan La-tashiyoรย la yeeshay Saaxiibadihii Afrikaanka ee Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee ku jiray masaafuriska, waxaana xaqiiqsaday inay รย jiraan kuwo badan รย oo aan wadaagayno รย Xanuunka iyo xanaaqa ay ka qaadeen Hawsha Xuquuqda Aadanaha ee ay hayaan, iyagoo ku jira Nolosha masaafurintaรขโฌย ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika.
Mar uu ka hadlayey Dhacdooyinkii uu goobjoogga u ahaa waxa uu tilmaamay in รย ka Agaasimaha EHAHRDP iyo Guddoomiyaha PAHRDN, waxaan goobjoog u soo ahaaรย gacanta koowaad ee ciriiriga baaxadda ee Bulshadda Rayidka iyo Khatarta kordhi karta haddii Difaace Xuquuqda Aadanaha laga noqo Dalka iyo Qaaradda.
Dr. Hassan Shire Sheekh waxa uu intaasi ku daray inay Dowladda iyo Hoggaamiyayaal aan ka tirsanayn Dowladda caqabad ku ahaayeen Hawlaha Difaaca Xuquuqda Aadanaha, iyadoo ay รย Difaacayaasha Xuquuqda Aadanahaรย waxay si joogto ah ula kulmayaan Weeraro maskaxeed, ilaalayn Dijital ah, Dacwado, Xabsi iyo wax ka xun.
Guddoomiyaha Guddiga Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika, waxa uu hadalkiisa ku aadan Munaasabadda 10-guuradda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha, ku qiray inay jiraan Dowladdo badan ee qeyb ka ah Afrika oo soo saaray Sharciyo cusub, oo xadiday รย fasaxa Dhaqdhaqaaqyadda ee Ururradda Bulshadda Rayidka, Hayรขโฌโขaddaha aan Dowliga ahayn ee Xuquuqda Aadanaha.
Waxa uu carrabka ku dhuftay inuu รย Ururkeenna ku-dhawaad 1,000 qof oo Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha u tababaray in lagu shaqeeyo in sare loo qaado Cododka Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha, iyadoo loo sii marayo Taageeradda Qaranka, Gobalka iyo Heer Caalami.
Dhinaca kale, Agaasimaha Fulinta ee Xuquuqda Aadanaha ee Bartamaha Uganda, ahaana Baarihii Khaaska ee QM ee Xaalladdaรย Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha, Margaret Sekagga waxay ka hadashay qiimaha Munaasabadda รย loogu dabaaldegayo 10-guuraddii ka soo wareegtay Mashruuca Difaaca Xuquuqda Aadanaha ee Bariga Afrika รขโฌลthe East and Horn of Africa Human Rights Defenders Project (EHAHRDP.
Waxay รย walaac xooggan ka muujisay รย baahida loo qabo Nidaamka lagu badbaadinayo Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha(HRD), waxayna ku baaqday Nidaamรย lagu difaaci karo Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee ka hawlgala Waddamadda Somalia, Burundi, Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Rwanda, , Sudan, South Sudan, Tanzania iyo Uganda.
รยฉ Radio Dalsan