Milliteriga Yuhuudda waxay xalay Hawlgal Habeenimo ah ka fuliyeen Xero Qaxooti oo ku taalla Deegaanadda Daanta Galbeed ee Falastiin, halkaasi oo ay ku dileen Wiil lagu magacaabi jirey Arkan Daahir Mizhar, oo 15-jir ahaa.
Marxuumka waxaa laga toogtay Laabta, xilli uu ku sugnaa Xeradda Qaxootiga ee Dheyshaah oo ku taalla dhinaca Koonfuereed ee Deegaanadda Daanta Galastiin ee dhulka la-hausto ee Falastiin.
Hadal ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin waxaa lagu xaqiijiyey geerida Marxuumkaasi oo maanta lagu aasay Daanta Galbeed.
Milliteriga Yuhuudda waxay kale horey u kaxaysteen ugu yaraan 11 dhallinyaro Falastiini oo ku sugnaa Xeradaas.
Ilo dhinaca Ammaanka ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Falastiin ee WAFA ayaa sheegay inay Ciiddanka Yuhuudda xoog ku galeen Xeraddaasi, isla markaana ay guri-guri u baareen, iyado oay Askartu adeegsadeen xabbado nool iyo suntan dadka ka ilmeysiisa.
Wakaalladda Wararka WAFA waxay kalo osheegtay in 3 Dhallinyaro Falastiini ah la dhaawacay, iyadoo 2 kalena horey u kaxaystay.
Ilo dhinaca Daawada oo ku sugan Isbitaalka Beytu Jaala ayaa xaqiijiyey in dhallinyaradaasi laga dhaawacay ciribta, iyadoo ay haatan xaalladooda aad u deggan tahay, lana daaweynayo.
Dhinaca kale, Milliteriga Yuhuudda waxay sheegeen inay Ciiddankooda galeen Xeradda qaxootiga, isla markaana ay soo xireen 2 qof oo lala xiriirinayo wax ay ugu yeereen falal Argagixiso.
Si kastaba ha ahaatee, Hay’adda Calaamiga ee Difaaca Carruurta Falastiin waxay sheegeen inay Askarta Yuhuudda sannadkan dileen ugu yaraan 30 carruur Reer Falastiin, halka au sannadkii hore ka dileen 15 carruur Falastiiniyiin oo ku noolaa dhulalka la haysto ee Reer Falastiin.