Ugu yaraan 13 ruux oo lala xiriiriyay qaraxyadii Al Shabab ay ka fuliyen 11kii July 2010kii magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa Maanta maxkamad lagu soo taagayaa dalkasi.
Amaaanka magaalada Kampala ayaa Maanta aad loo adkeeyay waxaana la xiray dhamaan wadooyinka soo gala maxkamada sare ee Uganda,halkas oo lagu dhageysanayo Dacwada dadkan Al Shabab lala xiriiriyay.
Eedeysanayaasha 5 kamid ah waxay u dhashen Uganda,6 Kenyan ah,2 Tanzania,waxaana ku jira laba qof oo isla dhashay.
Saraakiil ka tirsan FBI ayaa goob joog ah kuwaas oo dhageysan doona dacwada loo heysto 13kan eedeysane.
Sanadkii hore Bishii Maarso iyada oo lagu jiray dhageysiga dacwadan waxaa magaalada Kampala lagu dilay Dacwad oogaha hogaamineysay kiiskan Joan Kagezi.