Dabley hubeysan ayaa la sheegay inay dadkaasi ku toogteen xaflad ka socotay Gobalka Ferakus ee Bariga dalkaasi .
Warbaahinta Maxaliga ee dalkaasi waxay sheegeen in dadka la toogtay kala ahaayeen 7 nin, 5 hawen iyo ilmo yar, iyadoo 4 kalena la dhaawacay.
Dableyda ayaa la sehegay inay tageen Xafladda, iyagoo baadi-goobayey mid ka mid ah raga la dilay, kaasi oo Milkiile ka ahaa Baar ku yaalla Deegaankaasi.
Boliska dalkaasi waxay sheegeen inaysan kala caddayn ujeedada toogashadaasi, inkastoo Bariga dalka Meksiko lagu yaqaano Dembiyadda Abaabulan iyo dagaalka u dhexeeya Kooxaha ka ganacsada Daroogada.