8 Askari oo ka tirsan Milliteriga Turkiga iyo 5 ka tirsan Maleeshiyadda PKK ayaa lagu dilay Iska horimaadkaasi oo Waaberigii hore ee maanta ka dhacay meel ku dhow Xuduudka Turkiga la wadaago Waqooyiga Iraq.
Milliteriga Turkiga ayaa la sheegay inay qaadeen Hawlgal ay ku baadi-goobayeen Maleeshiyo ka tirsan Jabhadda PKK, kuwaasi oo la sheegay inay soo galeen Degmadda SEMDINLI ee Gobalka Buuraleyda ee HAKARI
Maleeshiyadda PKK waxay ku jiraan Dagaal Gooni-goosad-doon ah, kaasi oo lagu dilay in ka badan 40,000 oo qof, tan iyo sannadkii 1984-tii.