Donald Trump oo isweydiiyey sababaha ay Maraykanka ugu guuleysan la’ yihiin Dagaalka Alshabaab.

Wargeyska The Nerw York Times ayaa Jimcihii la soo dhaafay qoray su’aalo uu ka soo xigtay Kooxda Madaxweynaha La-doortay ee Maraykanka, Donald Trump ugu qaabilsan Xil la-wareegistiisa, kuwaasi oo tilmaamay su’aalo ku aadan Siyaasadda Maamulka Cusub ku wajahi doono Xaalladdaha Qaaradda Afrika.

Guddiga Donald Trump u gogol-xaarayo Xilka uu bishan Janaayo 20-da kala wareegi doono Madaxweyne Barack Obama waxay is-weydiiyeen sababaha ay Maraykanka ugu guuleysan la’ yihiin dagaalka Al-shabaab ee 10-ka socdo

Guddiga waxay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka u direen su’aalo badan oo ay ugu muhiimsanayd Sababta ay Maraykanka ugu guuleysan la’ yihiin Dagaalka Alshabaab.

Maraykanka waxa uu Kharaj fara badan ku bixiyey Hawlgalka ay kula jiraan Xarakadda Alshabaab, iyagoo taageero Dhaqaale, mid Milliteri iyo Loojistiko siiya Ciiddanka Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo Somalia joogay tan iyo sannadkii 2007-dii.

Sidoo kale, In ka badan 100 La-taliyayaal Maraykan ayaa qeyb ka ah Hawlgalladda Sirdoonka iyo Dagaalka ee ay AMISOM kula jiraan Dagaalamayaasha Alshabaab.

Ku-dhawaad 4,000 Askar Maraykan ah ayaa ku sugan Saldhigga Milliteri ee Xeradda Camp Lemonnier ee dalka Jabuuti, kuwaasi oo ka qeyb qaata Hawlgalladda Duqeymaha Droneska ee ay Maraykanka ka geystaan daallka Somalia iyo Yemen.

Dhinaca kale,  Dowladihii isaga kala dambeeyey Maamulka Maraykanka waxay tan iyo sannadkii 1992-kii culayska saareen sidii Hawalgal milliteri loogu xalin lahaa Xiisadaha Somalia, wuxuuna sannadihii ugu dambeeyey Milliteriga Maraykanka door bideen inay Hawlgalo Khaas ah ka fuliyaan gudaha Somalia, si aysan ugu dhicin Dabinkii sannadkii 1993-kii lagu dilay 18 Askar Maraykan, kuwaasi oo qeyb ka ahaa Ciiddankii Maraykanka ee Hawlgalkii Rajo-soo-celinta Somalia.

©Radio Dalsan

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor