HomeWararAkhriso:-Wararkii u dambeeyay weerar ka dhacay Degmada Afgooye

Akhriso:-Wararkii u dambeeyay weerar ka dhacay Degmada Afgooye

Date:

Related stories

Dagaalka Romero: Real Madrid, Atletico iyo Man Utd oo isku eryanaya kabtanka Tottenham

Cristian Romero ayaa laga yaabaa inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Tottenham ka dib dhaawac jilibka ah iyo kooxda oo u laabanaysa Championship-ka.

Ruto Lands 8 Major Deals in Rome as Kenya, Italy Sign New Action Plan

President William Ruto's state visit to Italy has yielded eight new agreements, cementing a three-year action plan with Rome. The wide-ranging deal covers everything from military cooperation and AI to restoring the Cherangany Forest and upskilling Kenya's youth.

Nairobi: Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka UN-Habitat ee horumarinta magaalooyinka

Wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowle Saciid Xayd ayaa Nairobi kaga qayb galay kalfadhiga UN-Habitat.

Soomaaliya iyo Isku-tashiga: Xarunta Tamarta iyo Biyaha oo loo dhisay qaab casri ah

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray xarun casri ah oo ay yeelanayso Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.

Sidee Turkigu u Qodayaa Ceelka Curad-1 ee Badda Soomaaliya? Sirta Qalabka Waaweyn!

Mashruuca Curad-1 waa wejigii koowaad ee Soomaaliya ay ku noqonayso waddan shidaal soo saara.

Ciidamada Al Shabaab ayaa xalay weerar qorsheysan waxa ay ku qaadeen Degmada Afgooye, gaar ahaan Saldhigyada ciidamada ay ka joogaan Degmadaasi.

Weerarkaan oo daba socda hawlgal qorsheysan oo ciidamada Xoogga dalka Somaliya ay ku qaadeen deegaanada Mubaarak, Awdheegle iyo Farsooley ee Gobolka Shabellaha hoose, ayaa wararka waxa ay sheegayaan in Shabaab ay la eegteen Saldhigyada ciidamada.

Xoogaga Shabaab oo watay ciidamo badan oo careysan ayaa dagaalkaasi soo qaaday, waxaana halkaasi looga dilay saddex ka mid ah ciidamada sida Saraakiisha ay sheegeen.

Col. Jaamac Muraad oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa wuxuu sheegay ciidamada Shabaab ee weerarka soo qaaday inay ka dhaawaceen afar nin oo raggii dagaalka soo qaaday ka tirsanaa.

Dhankooda wuxuu sheegay wax khasaare ah inuusan dagaalka ka soo gaarin, xaaladdana ay tahay mid degan.

Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa shalay subax weerar qorsheysan ku qaaday Mubaarak iyo Awdheegle oo Shabaab Saldhigyo ciidan ay ku leeyihiin.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories