HomeCiyaarahaMadaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

- Advertisement -
- Advertisement -

Muqdisho – Wada shaqeynta dhow ee u dhexeysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, oo uu hoggaamiyo Wasiir Maxamed Cabduqaadir Cali, iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa horseed u noqotay guulo wax ku ool ah oo sare u qaaday sumcadda kubadda cagta Soomaaliya ee fagaaraha caalamka, kuwaas oo keentay in Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, uu go’aansado inuu dhamaadka sanadkan booqasho taariikhi ah ku yimaado Soomaaliya .


Booqashadan ayaa ah mid taariikhi ah, sababtoo ah waxay noqon doontaa markii ugu horreysay ee Madaxweyne FIFA uu soo booqdo Soomaaliya, waxayna ka tarjumaysaa kalsoonida ay FIFA ku qabto horumarka kubadda cagta Soomaaliya . Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), oo muddooyinkii u dambeeyay ka qeyb galay kulamo heer sare ah oo ka dhacay dalka Mareykanka, ayaa sheegay in wada-hadallo uu la yeeshay Madaxweynaha FIFA ay Soomaaliya u horseedeen fursado muhiim ah .

- Advertisement -

Cali Shiine ayaa xusay in iskaashiga joogtada ah ee u dhaxeeya Wasaaradda iyo Xiriirka uu door weyn ka qaatay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya FIFA, isagoo tilmaamay in booqashadan la filayo ay dhabaha u furi doonto iskaashi cusub, maalgelin iyo mashaariic lagu horumarinayo garoomada kubadda cagta, kor u qaadidda aqoonta tababarayaasha, garsoorayaasha, horumarinta ciyaartoyda da’yarta, kobcinta kubadda cagta haweenka iyo xoojinta dhinacyada farsamada iyo maamulka kubadda cagta Soomaaliya .

Waxaa la filayaa in booqashadani ay sidoo kale ka dhigan tahay tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya uga sii dhowaaneyso dib-u-dhiska kaabayaasha ciyaaraha iyo kordhinta joogitaankeeda fagaaraha caalamiga ah, iyadoo FIFA ay sii waddo maalgashiga horumarinta kubadda cagta ee Soomaaliya iyadoo loo marayo barnaamijka FIFA Forward, kaas oo ka caawiyay dhismaha kaabayaasha iyo tababarka .

Abdalle Yahye Ali
Abdalle Yahye Alihttps://abdalletech.com/
Website Administrator at Radio Dalsan, focused on content management, design, and digital publishing. Skilled in creating engaging articles and maintaining a clean, user-friendly website experience.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts