HomeWararJaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

- Advertisement -
- Advertisement -

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo Daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda

Muqdisho – Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC), oo ah xarun loogu talagalay horumarinta cilmi-baarista, waxbarashada, hal-abuurka iyo dhisidda awoodda aqooneed ee Garaad Gacmeedka . Munaasabadda daahfurka waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka socday hay’adaha dowladda, jaamacadaha dalka, khubaro dhanka teknolojiyadda iyo Garaad Gacmeedka ah.


Daahfurkan ayaa muhiim u ah xilligan, sababtoo ah waxa uu ka dhigan yahay tallaabo cusub oo Soomaaliya uga sii dhowaanayso isbeddelka dhijitaalka ah iyo adeegsiga teknolojiyadda casriga ah, iyadoo Garaad Gacmeedku uu noqday mid ka mid ah teknolojiyadaha ugu muhiimsan ee dunida hadda lagu horumariyo dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo maamulka .

- Advertisement -
Ma waxaad u malaynaysaa inay horumar ku noqon doonto Soomaaliya?

Xaruntu waxay noqon doontaa xarunta hormuudka u ah Jaamacadda ee horumarinta Garaad Gacmeedka, iyadoo taageeraysa horumarinta xalal maxalli ah oo ka qayb qaadanaya horumarka qaranka. Waxay diiradda saari doontaa horumarinta cilmi-baarista, kobcinta tayada khubarada Soomaaliyeed, taageeridda hal-abuurka, ka qayb qaadashada dejinta siyaasadaha iyo hannaanka maamul ee Garaad Gacmeedka .

Waxay hawlaheeda ku salayn doontaa dhinacyada muhiimka ah ee cilmi-baarista, oo ay ka mid yihiin isbarid mashiinnada, habaynta afafka dabiiciga ah, cilmiga xogta, aragga kombiyuutarka, robotiyada, iyo anshaxa Garaad Gacmeedka. Khubaro ka tirsan Jaamacadda Ummadda ayaa si gaar ah ugu xeel dheer habaynta afka Soomaaliga iyo codka, kuwaas oo qayb muhiim ka ah horumarinta Garaad Gacmeedka .

Xaruntu waxay sidoo kale bixin doontaa barnaamijyo tacliimeed, tababbarro xirfadeed, hindiseyaal cilmi-baaris iyo hawlo hal-abuur oo loogu talagalay in lagu kobciyo aqoonta iyo xirfadaha ardayda, cilmi-baarayaasha iyo xirfadlayaasha. Waxay si gaar ah diiradda u saari doontaa kor u qaadista adeegsiga teknolojiyaddan ee waxbarashada, caafimaadka, beeraha, maamulka iyo koboca dhaqaalaha.

- Advertisement -
Munaasabadda daahfurka waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin

Qorshayaasha SNAIC waxaa ka mid ah tababbarro gaagaaban oo Garaad Gacmeedka ah, barnaamijyo shahaado iyo diploma, iyo iskaashi lala yeesho jaamacadaha si loo horumariyo manhajka Garaad Gacmeedka heerka jaamacadeed . Sidoo kale, waxaa la filayaa in xaruntu ay taageerto ganacsatada iyo hal-abuurayaasha Soomaaliyeed iyadoo siinaysa fursado ay ku abuuraan shirkado iyo xalal Garaad Gacmeed ku dhisan .

Munaasabadda daahfurka waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka socday qaar kamid ah hay’adaha dowladda, jaamacadaha dalka, bahda tacliinta sare, khubaro dhanka teknoolojiyadda iyo Garaad Gacmeedka ah, iyo daneeyayaal kale.

Abdalle Yahye Ali
Abdalle Yahye Alihttps://abdalletech.com/
Website Administrator at Radio Dalsan, focused on content management, design, and digital publishing. Skilled in creating engaging articles and maintaining a clean, user-friendly website experience.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts