Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay weheliyaan Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) iyo Hay’adda Deegaanka Caalamiga ah (GEF), ayaa ku dhawaaqday mashruuc cusub oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada iyo dhaqaalaha cagaaran ee magaalooyinka Soomaaliya. Mashruucan oo qiimaheeda dhan yahay 12 milyan oo doollar, ayaa waxaa la filayaa in uu si toos ah uga faa’iideeyo in ka badan 850,000 oo qof, oo ay ku jiraan haweenka, dhalinyarada, iyo dadka barakacayaasha ah.
Mashruucan ayaa muhiim u ah xilligan, sababtoo ah Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ugu nugul cimilada adduunka, iyadoo 75% wax-soo-saarka guud (GDP) uu u furna yahay khataraha cimilada. Mashruucani waxa uu ka kooban yahay 17 magaalo oo kala ah Muqdisho, Garoowe, Gaalkacyo, Boosaaso, Hargeysa, Burco, Berbera, Borama, Dhuusamareeb, Hobyo, Gaalkacyo Koonfureed, Beledweyne, Jowhar, Baydhabo, Xuddur, Kismaayo, iyo Garbaharey.
Mashruucan oo socon doona ilaa 2030, waxaa diiradda lagu saarayaa qorsheynta magaalooyinka ee la jaanqaadi karta cimilada, iyo hirgelinta xalalka ku saleysan dabiiciga sida maaraynta biyaha ee isku dhafan iyo fikradda “magaalada isbuunjiyaha” (sponge city) taas oo ujeedadeedu tahay in lagu qabto, lagu keydiyo, laguna nuugo biyaha roobka iyadoo la adeegsanayo dhulalka cagaaran, si loo yareeyo khataraha fatahaadaha, kulaylka, iyo abaarta.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Axmed Cumar Maxamed, ayaa sheegay in mashruucani uu muhiim u yahay xoojinta hay’adaha magaalooyinka iyo horumarinta nidaamyada qorsheynta. Wuxuu yidhi: “Mashruucani waxa uu mudnaanta siinayaa baahiyaha haweenka, dhalinyarada, iyo dadka barakacayaasha ah kuwaas oo ah kuwa ugu saameynta badan caqabadahan.”
Lionel Laurens, oo ah Wakiilka UNDP ee Soomaaliya, ayaa sheegay in mashruucani uu ka caawin doono Soomaaliya inay uga guurto jawaabaha degdegga ah ee xaaladaha cimilada una guurto xoojinta hababka magaalooyinka. Wuxuu intaas ku daray in mashruucani uu si toos ah uga faa’iideyn doono bulshooyinka deggan magaalooyinka ugu nugul cimilada, iyadoo la adeegsanayo qaab isku dhafan oo ay ku jiraan xalalka ku saleysan dabiiciga iyo maalgashiga gaarka loo leeyahay.
Guddoomiyaha Hay’adda Deegaanka Caalamiga (GEF), Cabdullaahi Godax Barre, ayaa sheegay in mashruucani uu muujinayo kalsoonida caalamiga ah ee awoodda Soomaaliya. Wuxuu yidhi: “Mashruucani wuxuu muujinayaa hoggaamin xooggan, isuduwid wax ku ool ah oo u dhexeeya hay’adaha federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedka, iyo awood dhab ah oo ka jirta dalka.”
Mashruucani waxaa la hirgelin doonaa qaab laba-geesood ah (dual-execution), iyadoo UNDP ay gacanta ku haysaa kormeerka maaliyadda, iyadoo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ay hogaaminayso iswaafajinta siyaasadda iyo isuduwidda maxalliga ah.
Waxaa intaas dheer, mashruucani waxa uu saamayn ku yeelan doonaa dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo 70% wax-soo-saarka guud (GDP) uu ka soo baxo magaalooyinka. Waxa uu sidoo kale ka caawin doonaa yareynta khataraha cimilada sida roobabka aan joogtada ahayn, fatahaadaha soo noqnoqda, abaarta daba-dheerta, iyo nabaad-guurka xeebaha.
Qorshayaasha mashruuca waxaa ka mid ah samaynta 10 siyaasadood oo la jaanqaadi karta cimilada, tababarka in ka badan 1,260 qof (oo 40% haween ah), iyo fulinta 34 qorshe oo kaabayaal ah sida difaaca fatahaadaha, nidaamyada biyo-mareennada, iyo waddooyinka cagaaran ee 17 magaalo, taas oo soo celin doonta 5,000 hektar oo dhul ah oo xaaladiisu xumaatay.
