HomeWararSoomaaliya oo ansixisay qorshe $232 milyan oo lagu xallinayo biyaha

Soomaaliya oo ansixisay qorshe $232 milyan oo lagu xallinayo biyaha

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Soomaaliya oo ansixisay qorshe biyaha $232 milyan

Muqdisho, 01 June 2026 – Sanduuqa Qaranka ee Maalgelinta Cimilada (NCF) oo kaashanaya Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha (MoEWR), iyadoo taageereysa Hay’adda Caalamiga ah ee Biyaha (GWPSA), ayaa maanta si guul leh ugu qabtay magaalada Muqdisho Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha Magaalooyinka iyo Barnaamijka Maalgashiga Biyaha Soomaaliya (WIP) 2026–2030, kaas oo lagu qiyaasay USD 232 milyan.

- Advertisement -

Shirkani wuxuu muhiimad gaar ah u leeyahay Soomaaliya, oo ka mid ah dalalka ugu nugul isbeddelka cimilada, iyadoo abaaraha soo noqnoqda iyo fatahaadaha daadadka ay burburiyaan kaabayaasha biyaha. Ansixinta qorshahan waxay u ogolaanaysaa dowladda in ay hirgeliso mashaariic dhab ah oo lagu xoojinayo adkaysiga biyaha lix magaalo oo nugul ah.

“Ansixinta mashruuca kaydinta biyaha roobka iyo barnaamijka maalgashiga biyaha waxay caddayn u tahay sida ay dowladda uga go’an tahay la dagaallanka saameynta isbeddelka cimilada,” ayuu yiri mas’uul ka tirsan MoEWR oo ka hadlay shirka. “Waxaan maalgelineynaa mustaqbalka dadkeenna iyo deegaankeenna.”

Ka qeybgalayaasha ayaa ansixiyay mashruuca “Nidaamyada Kaydinta iyo Gurashada Biyaha Roobka ee Magaalooyinka Nugul” oo lagu qiyaasay USD 25.8 milyan, kaas oo lagu hirgelinayo magaalooyinka Xuddur, Garbahaarey, Matabaan, Dhuusamareeb, Laascaanood iyo Badhan. Mashruucu wuxuu diiradda saarayaa dhismaha kaabeyaasha gurashada iyo kaydinta biyaha roobka, xoojinta nidaamyada xogta iyo saadaasha cimilada, iyo horumarinta maamulka biyaha heer degmo.

- Advertisement -

Sidoo kale, waxaa la ansixiyay Barnaamijka Maalgashiga Biyaha Soomaaliya (WIP) 2026–2030 oo ay hoggaaminayso MoEWR, kaas oo qorshe maalgashigiisu yahay USD 232 milyan. Barnaamijku wuxuu taageeri doonaa biyo-gelinta, kaydinta biyaha, maareynta fatahaadaha, horumarinta biyaha dhulka hoostiisa, waraabka, nadaafadda, adkaysiga cimilada, iyo xoojinta hay’adaha dowliga ah.

Qorshahan waxay la jaanqaadaysaa Qorshaha Horumarinta Waaxda Biyaha, Qorshaha Qaranka ee La-qabsiga Cimilada (NAP), NDC 3.0, Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo Barnaamijka Maalgashiga Biyaha Afrika (AIP). Maalmaha soo socda, dowladda waxay bilaabi doontaa qaab dhismeedka fulinta iyo kormeerka barnaamijka.

Latest stories