Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Dhagax-dhigay Xarunta Manaahijta iyo Baaq ku aaddan Dhulka Dowladda
Muqdisho — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Xarunta Horumarinta Manaahijta Qaranka. Xaruntan ayaa looga gol-leeyahay in lagu tayeyno nidaamka waxbarashada dalka iyo soo saarista manhaj casri ah oo la jaan-qaadi kara horumarka caalamka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda dhagax-dhigga ka sheegay in horumarinta aqoontu ay tahay laf-dhabarta mustaqbalka dalka, isagoo xusay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in la maalgashado jiilasha soo koraya. “Manhaj tayo leh waa saldhigga waxbarashada; xaruntani waxay noqon doontaa hoyga laga hagayo garaadka iyo aqoonta ubadkeenna,” ayuu yiri Mudane Xamsa.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa farriin culus u diray dadka ku deggan dhismayaasha iyo dhulka ay leedahay dowladda. Waxa uu caddeeyay in dowladdu ay hadda gashay wejigii dib-u-dhiska hay’adaha qaranka, loona baahan yahay in si degdeg ah loo banneeyo xarumaha danta guud si loogu adeego shacabka Soomaaliyeed.
Dhismaha Xarunta Horumarinta Manaahijta oo lagu maalgelinayo dhaqaalaha dowladda ayaa qayb ka ah qorshayaasha ballaaran ee lagu xoojinayo adeegyada bulshada, gaar ahaan waxbarashada, si loo soo saaro muwaadiniin aqoon leh oo qayb ka qaata dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.

